Maxay xukuumada Kheyre uga dhigan tahay goodinta xildhibaan Mahad Salad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku goodiyay inay la xisaabtami doonaan dhammaan Wasiirada Xukuumada Somalia, ee tuhunka uu ku jiro.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in la xisaabtanka uu yahay mid lagu xalinaayo tuhunka laga qabo Wasiirada qaar ee ku aadan isdabamarin iyo boobka Hanti Qaran, sida uu rumeysan yahay.

C/qani Maxamuud Salaad oo kamid ah dadka sida aadka ah u falanqeeya Siyaasada ayaa sheegay in goodinta Xildhibaan Mahad Salaad ay ka dhigan tahay mid lagu sahminaayo raadadka Wasiirada aaminsan shaqooyinkooda.

C/qani waxa uu tilmaamay in Mahad Salaad uu ku xiran yahay tirro Xildhibaano ah oo xilal ka waayay dowlada Federaalka ee iminka ku howlan magacaabida.

Waxa uu intaa ku daray in qorshaha ugu weyn ee dhaliilaha Mahad Salaad iyo Xildhibaanada ku dhinaca ah uu yahay fashilinta Xukuumada cusub si ay uga dhexmuuqdan xukuumada imaan doonto, dhicitaanka tan hadda jirta kadib.

”Micno sooma kordhineyso hanjabaad joogta ah, cida uu Xildhibaanka ugu goodinaayo la xisaabtanka maaha shaqsi aan lala xisaabtamin, waxaan qabaa in Hanjabaadasi ay ka dhigan tahay mashruuc albaabada loogu furaayo mooshinada soo socda”

C/qani Maxamuud Salaad, waxa uu intaa ku daray in Xukuumada Somalia laga doonaayo inay ka gaashaamato Xildhibaanada isku dhex uruursanaaya baarlamaanka ee mooshinada ku raadinaaya xilalka.

Geesta kale, Xildhibaanada baarlamaanka ee uu kamid yahay Mahad Salaad ayuu ugu baaqay inaan lagu shaqeysan oo uu noqdaa mid wakhti siiya xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com