Rajo intee la’eg ayaa laga qabaa in 2021 ay Somalia ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa banaan ee dooroshoyinka Qaranka Somalia ayaa mar kale sheegay inay wadaan qorshaha lagu hirgalin lahaa doorashada nin iyo codkii oo dalka ka dhacda sanada 2021.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in iminka ay wadaan daraaso lagu sameynaayo qaabka bulshada looga sii caawin lahaa hanaanka doorashada iyo in la daraaseeyo talaabada lagu hirgalinaayo qorshaha ay dowlada u dajisay in lagu qabto doorashada.

Waxa ay xubnaha sheegen in wakhti badan ay qaadan doonto sida lagu dhaqan galin lahaa doorasho nin iyo codkii iyadoo aan dhicin wax musuq ah.

Gudoomiye ku-xigeenka Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Sayid Cali Shiiq maxamed iyo La-taliyaha dhinca sharciga Gudiga madaxa banaan Khaliif Maxamed Ducaale oo ka qeyb galay barnaamij ka baxaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in si hordhac ah loo bilaabay diyaarint dhammaan barnaamijada doorashada nin iyo codkii.

Waxa ay si wada jira u sheegen in 90% ay suuragal tahay in doorashada ay ku dhacdo sidii loogu tallo galay, haddii ay dhacdo inaan laga weecan qaabka ay hadda u socto howsha.

Waxa ay intaa ku dareen inay u harsan tahay keliya qaababka loo mari lahaa nidaamyada ay dowlada u dajisay qabashada doorashada iyadoo aan laga talaabin hanaanka loo jideeyay doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, marka la gaaro sanadka 2021 ayaa waxaa lagu wadaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah waxaana jira u diyaar garow xoogan oo ay wadaan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com