Xildhibaanada BF oo ka doodaaya qodobo muhiim ah (Maxaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka ay maanta kulan ku yeeshan Xarunta Golaha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa kulanka maanta warbixino uga dhageysan doona Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Warbixinta laga dhageysan doono Guddiga Maaliyadda ayaa la xiriirta dib u eegista Miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2017.

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaarada Maaliyadda ayaa maalmahaan siwadajir ah waxa ay ugu howlanaayeen turxaan bixinta Miisaaniyadda oo Xildhibaanada qaarkood ay aragti ka keeneen.

Sidoo kale, warbixin kadib ayey Xildhibaanada ka doodayan dib u eegista miisaaniyada dowladda oo ay hada si wadajir ah ugu shaqeynayaan Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada Xukuumada.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoonka Sare ee BFS ayaa dhawaan fasaxay miisaaniyadda Ciidamada Qalabka Sida bacdamaa bixinta mushaaraadka ciidamada uu yahay mid muhiim ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com