Xog: Khilaafka R/W Kheyre iyo wasiir Juxa oo meel aan qabasho lahayn gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex oogan ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa sii xoogeystay, waxaana wasiirka uu ku hanjabayaa inuu xilka ka tagi doono, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Khilaafka ayaa markii hore kasoo billowday markii wasiir Cabdi Faarax Juxa uu xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim, taasi oo Kheyre uu ka hor-yimid, inkasta oo markii dambe uu Yaxye aqbalay xil ka qaadista.

Si kastaba, khilaafka ayaa mar kale soo shaac baxay markii Kheyre uu Yaxye, oo ay isku beel yihiin u magacaabay la-taliyahiisa arrimaha gudaha, tallaabadaas oo Juxa uu arkay mid xilkiisa lagu soo faro-gelinayo.

Sidoo kale Kheyre ayaa magacaabay guddiyo dhowr ah, oo uu ku jiro guddiga arrimaha gudaha, taasi oo Juxa uu mar kale diiday, waxaana xiisadda ka dhex oogan labada nin ay hadda mareysaa mid u eg inaysan wada shaqeyn karin.

Juxa ayaa dalbanaya in Kheyre ka laabto magacaabista Yaxye iyo guddiga arrimaha gudaha, haddii kale uu is-casili doono.

Haddii uu is-casilo Juxa, waxay ka dhignaan doonto inuu xumaado xiriirka dowladda iyo maamulka Puntland, waxaana la sheegay in Juxa uu taageero ka haysto maamulka Puntland, oo u sheegay inaysan aqbali doonin in qof kale lagu beddelo, ayna doonayaan in Kheyre uu ixtiraamo xilka wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com