31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

JAWAARI oo xaalad caafimaad darteed loogu qaaday dal dibada ah (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ay ka duushay Diyaarad la sheegay inay qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’

Gudoomiyaha ayaa la sheegayaa in maalmahaani dambe uu xanuunsanaa islamarkaana maanta Baaritaani Caafimaad ugu ambabaxay dalka Jarmalka.

Xanuunka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, waxa ayna qeexeen in Gudoomiyaha maalmihii ugu dambeeyay uu lasoo darisay Xanuun aan la shaacin waxa uu ilaa iyo iminka yahay.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay Xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, waxaana la soo warinayaa in Gudoomiyaha uu geli doono isbitaal ku yaal magaalada Barliin, halkaasoo mudo todobaad ah ku jiri doono si waxbadan looga ogaado xanuunada lasoo darisay.

Dhanka kale, Xildhibaanada qaar ayaa iyagu qaba in xanuunada haya Gudoomiye Jawaari uu yahay mid ka dhashay buuqii labadii bil ee la soo dhaafay ka dhex taagnaa BF iyo Madaxda Qaranka iyo ridistii Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweyne Xassan uu howlo caafimaad u tagay dalka Jarmalka, waxaana iminka xiga Gudoomiyaha BF oo isna ku xanuunsaday buuqii Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News