25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Salaad Cali Jeelle oo soo jeediyay talo ka weyn maskaxda dadka MUQDISHO !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo kamid ahaa Siyaasiyiintii ku dhaawacmay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Centeral Hotel, ayaa mar kale ka hadlay Weerarka, islamarkaana talooyin wax ku ool ah u jeediyay DF Somalia.

Salaad Cali Jeelle waxa uu sheegay in Qaraxii ka dhacay Hoteelka uu Wakhtigiisu dhamaaday, balse iminka loo baahan yahay in DF Somalia ay Shacbka Magaalada Muqdisho ka qaado lacagaha Mushaarka loo siin lahaa Ciidamada, kadib markii uu sheegay in dalka uu yahay mid qani ah loona baahan yahay in dhaqaalihiisa ay ku anfacaan Ciidamada Amaanka.

Waxa uu Tilmaamay in DF Somalia ay uga fadhiyaan in Dhaqaalaha dibada ka imaanaya ay ka joojiso Ciidamada oo ay dhaqan galiso nidaam horseedaya in Ciidamada lagu fangareeyo Dhaqaalaha laga soo saaro dalka oo bulshada oo idil ka farabadan.

Sidoo kale, Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Dhaqaaluhu uu yaalo Dalka Soomaaliya islamarkaana Shacabka laga qaado Amaankoodana la sugo oo lagu ilaaliyo Lacagtaasi laga qaaday.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Ciidamada Amaanka Somalia waxa ay awood u leeyihiin inay hantaan Amaanka dalka Somalia hadii la siiyo xaquuqdooda oo ay tababaro iyo qalabkoodii loo dhameystiro, dowladuna waxaan ka rabnaa inay mushaarka u hagaajiso ciidamada”

Dhanka kale, waxa uu meesha ka saaray inaan la xaqiijin karin Amaanka Somalia, waxa uuna taasi ku tilmaamay mid aan gali karin maanka Umadda Soomaaliyeed, balse DF Somalia looga baahan yahay inay hantiso dhaqaalaha dalka, si ay ugu anfacaan Ciidamada ku howlan sugida amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News