Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ee waqtiga uu ka dhammaaday, ayaa Madaxda sare ee dalka usoo jeediyay in Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia looga danbeeyo go’aanka dhaqaalaha lagu xujeeyay Musharaxiinta.
Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Cusub uu waxbadan ka duwanaan doono kuwii hore sidaa darteedna loo baahan yahay in go’aan ka gaarista dhaqaalaha loo daayo Baarlamaanka imaanaya oo ay iyagu go’aan ka gaaraan.
Guddoomiye Jawaari waxa uu tilmaamay in Heshiiska guud ee dhaqaalaha lagu diiwaan galin doono Musharaxiinta uu noqon doono 30,000 oo Dollarka Maraykanka, balse la qaadan doono go’aanka Baarlamaanka cusub.
Jawaari oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ”Taladeydu waxa ay tahay in Baarlamaanka cusub looga danbeeyo arrinta dhaqaalaha lagu diiwaan galinaayo Musharaxiinta, waayo sharci ma noqoneyso in Hogaamiyayaashu ay iyaga gaaran go’aankaasi maxaa yeelay qodobka dhaqaalaha ma sahlana waa qodob loogu tallo galay Baarlamaanka”
Guddoomiye Jawaari waxa uu carabka ku dhuftay in dhibaatooyin farabadan ay ka dhalankarto haddii lagu degdego go’aanada ka doodisteedu uu leeyahay Baarlamaanka.
Haddalka Jawaari ayaa imaanaya xili Hogaamiyayaasha Madasha ay go’aamiyeen in Musharax waliba lagu diiwaan galiyo 30,000 oo Dollarka Maraykanka, waxaana iminka soo baxaaya in qodobkaani loo deyn doono Baarlamaanka cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

