Guddoomiye Jawaari oo ka shanqariyay HADAL si aad ah uga careysiiyay maamulka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa si kulul uga hadlay kala qeybsanaanta dadka Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada qaar.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in soo laabashada baarlamaanka kadib ay ka shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa sheegashada maamul goboleedyada ay sheeganayaan dhul u gaar ah iyo Passport lagu yaqaan.

Wuxuu sheegay ineysan u cuntameynin in Somaliland uu ku tago Passport isaga oo Soomaali ah, taasina ay ka hortagi doonaan xubnaha baarlamaanka marka ay kusoo laabtaan shaqadooda.

“Waxaan leeyahay seddex ayaa Somali dishay, Qabiil, Diin qaloocin iyo nin jecleysi, haddii baarlamaanka uu soo laabto,ma aqbali karno Somaliland ayaa Passport lagu galayaa, waxay baarlamanka sameyn doonaan sidii arimahaasi looga hortagi lahaa”ayuu yiri gudoomiye Jawaari.

Maamulka Somaliland ayaa sheegta inuu yahay dal ka go’ay Somalia inteeda kale ayna leeyihiin Passport gaar ah, iyada oo dadka ka baxa koofur Soomaaliya ay Somaliland ku tagaan Passport kii cagaarnaa ama midka cusub ee madowga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com