“Markii ay yimaadeen Gen. Gabre & Kay, ayaan oggaaday farqiga u dhaxeeya ayaga iyo Xasan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa khamiistii si rasmi ah uga furmay Magaalada Caddaado shirkii looga tashanayey maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galguduud, waxaanna shirkaasi goob joog ka ah ergooyinka beelaha Goboladaasi degan metelaya, Madaxweyne Xassan Sheekh, xubno ka socda beesha caalamka uu horkacayo Nicholos Key, Madaxda howlgalada AU ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Furitaanka shirka oo loo balansanaa ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, waxaanna sababaha dib u dhaca lagu sheegay beesha Caddaado oo shuruud kaga dhigtay in ay aqbalaan natiijada shirkaasi ka soo baxda in Madaxweynaha la doorto uu ku shaqeeyo Caddaado; lagana soo wareejiyo Dhuusamareeb caasimada.

Iyadoo xaaladdu taagan tahay middi middi ku taag, laguna heshiin waayey in meel dhexe la isugu yimaado ayaa waxaa madasha shirka soo gaaray Nicholos Key iyo saraakiil ka socda Itoobiya iyo Kenya, waxaanna ay shir la qaateen.

“Madaxweynihii dalka wuxuu saacado badan la fadhiyey mas’uuliyiintii beesha Caddaado, si kasta markii uu yeelay waxeey ka diideen in ay aqbalaan in shirka la furo, Nicholos Key iyo Gabre ayaa yimid amar degdeg ayaa la siiyey, markaas ayaan ogaaday in Soomaalida qaar ay yihiin dad liita, dal iyo dad intaba aysan gacan inoogu jirin oo maxmiyad ku jirno” Ayuu yiri Cabdiladiif Cusmaan oo ka mid ah qurba joogta ka timid Ingiriiska, waxaanna uu sheegay in ergooyinka iyo shacabka caadiga ah ay niyad wanaag ka muuqato balse odayaasha 4 jeeblayaasha ah iyo siyaasiyiinta xilka dooneysa in ay af-miishaareynayaan.

“Waxaan ku niri ergada; Annaga dadkeena Gobolada dhexe u dhashay aan shirno, gooni aan u wadahadalno dadka na dhex jooga ha naga baxaan, waxaan cod dheer ku niri faragelinta ha na laga daayo; dadkii dibedda iyo gudaha joogay qof kasta dhegtaa u taagan oo waxeey leeyihiin maxaa shirkii ka soo baxay.? Taleefan ayaa na lagu wareeriyey dadkii waa bislaadeen; war ma heshiiyeen iyo wax ma soo baxeen ayaa na lagu wareeriyey xittaa Ceelbuur caasimada ha noqotee, waxaan niri walaalayaaloow yaan lagu gorgortamin dad dhiig baxaya dushooda, waxa ugu muhiimsan ee aynu ku fikireyno waa in ay noqotaa in ilmaheenu helaan waxbarasho iyo caafimaad oo aysan maalinba tuulo u cararin iyaga oo xabbad ka qaxaya.; war maxaan isku haysanaa.? Maxaase naga maqan oo aan u baahanahay.? qof kasta nabadda ayaa deeqda, iyada ayaanna inoo wada dan ah” Ayuu yiri C/ladiif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com