“Baarlamaanka oo idil waa dadkiisa, waxaa jira qorshe uu Axmed Madoobe ku doonayo in…”

Kismaayo (Caasimada Online) – In cabasho badan ay ka timaado beelaha kala duwan ee daga gobolada Jubbooyinka ayaa ka dambeysay kadib markii maamulka Axmed Madoobe uu dadka uu yaqaano ka buuxsaday xubnaha baarlamaanka maamulkaasi, sida uu qabo C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah saraakiisha Barre Hiiraale.

Wuxuu sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu doonayo in waqtiga uu ku kororsado maadaama xiliga maamulka Axmed Madoobe uu ugu eg yahay Bisha May ee sanadkaan.

C/rashiid Macalin gaas, ayaa sheegay in awood qeybsiga baarlamaanka maamulkaasi uusan aheyn mid cadaalad ku dhisan ayna kasoo horjeedaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Dr Aweys Sheikh Cali, oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay iney beeshooda aysan wax xildhibaan ah ka helen baarlamaanka maamulka Jubba.

Wuxuu sheegay in beesha uu kasoo jeedo ay degto magaalada Ceelwaaq ayna helin wax xubin ah, taasina ay ka dhigan tahay in la xaqiray, sida uu sheegay Dr Aweys Sheikh Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com