XILDHIBAAN lagu dilay magaalada MUQDISHO!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa kooxaha hubeysan waxay ku toogteen xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho, waxaana kadib la sheegay iney isaga baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Xildhibaanka lagu dilay Muqdisho ayaa magaciisa lagu sheegayAadan Xaaji Xuseen Ismaaciil.

Rag hubaysan oo aan haybtooda weli la aqoonsan ayaa lasoo sheegayaa inay xildhibaanka Toogasho ku dileen.

Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil ayaa Muqdisho u joogay Howlo Caafimaad oo u qaaday qof ehelkiisa ah.

Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay dilka xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com