Jawaari oo gacanta loo geliyey moshin lagu dalbanaayo is-casilaada Xasan Sh

Muqdisho ( Caasimada Online) – Xildhibaanno gaaraya 115-mudane ayaa maanta oo Khamiis ah ku wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari mooshin lagu dalbanaayo madaxweynaha in uu is-casilo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegay in uu aqbalay mooshinka la soo gudbiyay islamarkaama uu ka qabtay xildhibaannada keenay.

Xildhibaannada mooshinka keenay ayaa ka codsaday guddoomiyaha baarlamaanka in uu mooshinka saxaafadda si loo arko tirada iyo magacyada ku saxiixan mooshinka.

Dhinaca kale, xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka maanta ayaa sheegay in hadda ku wajahan yihiin xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha si ay ugu gudbiyaan warqad ay ku dalbanayaan in is casilo si loo badbaadiyo dalka.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo jooga Muqdisho ayaa soo sheegaya in xildhibaannada mooshinka soo gudbiyay ay ka go’an tahay siddii uu meel mari lahaa dalabka ay soo jeediyeen.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo mooshinka laga keenay madaxweynaha waxaana arrintaas ay saameesay fadhiyada baarlamaanka.

Ma jirto faah-faahin intaas dheer oo la helaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com