NICHOLAS KAY oo shaaciyey mowqfika beesha caalamka ee XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) –Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ahshir jaraa’id wadajir ugu qabtay, wakiilka gaarka ah ee xoghaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nick Key iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins.

Danjire Key ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xubno ka mid ah baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inta uu ogyahay in aysan jirin wax culeys ah oo beesha caalamka ay ku hayaan madaxweynaha isagoona intaas ku daray in xilligan aaney munaasab ahayn in madaxweynaha laga dalbado in is-casilo.

Mr. Key ayaa carabta ku adkeeyay in uu galabta la kulmi doono xubno ka tirsan xildhibaannada dalabka u soo jeediyay madaxweynaha kuwaasoo ka socdsaday in ay la kulmaan isaga, balse wuxuu intaas raaciyay in uusan aqoonin wax yaabaha ay kala hadli doonaan kulankooda.

Key ayaa ku celceliyay in albaabkiisa uu furan yahay diyaarna uu yahay in uu qaabilo cid kasta, maadama uu yahay wakiilka QM ee Soomaaliya.

Wuxuu kale oo uu sheegayin  beesha caalamka aysan madaxweynaha ku caddaadin doonin in uu is-casilo sidda uu yiri, islamarkaana ay taageersan tahay in madaxweynaha howshiisa uu guto.

Key ayaa beeniyay beesha calamka in ay dooneyso in xilka laga qaado madaxweynaha, wuxuuna xusay in aysan macquul ahayn in madaxweyne kale la doorto ka hor 2016-ka.

Dhinaca kale, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay magaalooyinka Kismaayo iyo Xuddur, waxaan ay sheegtay in magaalooyinkaas ku soo arkay xaalado kala duwan.

Waxa ay ku dhawaaqay lacag kor u dhaafeysa 10o milyan oo dollaarka Maraykanka taasoo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com