Xasan Sh iyo xildhibaanada ku kacsan oo kulmay iyo xog sheegeysa in…..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho oo gaaraya 133-xildhibaan ayaa maanta qaar ka mid ah tagay xarunta Villa Somalia, waxaana ay halkaas geeyeen QORAAL rasmi ah oo ay madaxweynaha kaga dalbadeen in uu is-casilo.

Xildhibaannada maanta tagay Villa Somalia waxaa ka mid ah, Cabduqaadir Cosoble iyo wasiirkii horre ee arrimaha gudaha Cabdi Samad Macallin Faarax.

Qoraalka loo gudbiyay madaxweynaha waa mid tallo soo jeedin ah oo la doonayo in uu ka tago xafiiska.

Madaxweynaha waxaa la sheegay in uu aqblay warqadda loo keenay, laakin wax jawaab ah ma uusan bixin siddaas waxaa noo sheegay ilo ku sugan Villa Somalia.

Si kastaba, xildhibaannada maanta u geeyay warqadda madaxweynaha uga dalbanayaan in uu iscasilo ayaa mid la mid ah maanta loo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka wuuna ka aqbalay.

Waxaa jirra warar is khilaafsan oo ku aadan warqadda loo dhiivay Jawaari in ay ku qoran tahay mooshin iyo in kale.

Waxaa lee yahay warqadaas wax mooshin ah kuma qorna waa tii ay dhawaan soo bandhigayn xildhibaannada ku shiray Muqdisho isla markaana ay ku qoran yihiin xildhibannada soo gud biyay tallada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com