Xasan Sheekh oo si cajiib ah u hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa la hadlay xildhibaannada baarlamaanka ee ka dalbaday in uu is-casilo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo wax yaabaha ay qabatay dowladiisa muddada ay jirtay.

xasa

“Anniga madaxweyne ka ahaan waxaan rabaa in la qiimeeyo wax yaabaha ay qabtay dowladda iyo hey’adaheeda iyadoo mid mid loo eegayo laakin aan la siyaasadeynin, wixii u baahan isbadal waan sameeneynaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha wuxuu qiray in ay jiraan dad doonaya in qalqal siyaasadeed ay ka abuuraan dalka oo danno gaar ah leh sidda uu yiri.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay Soomaaliya in ay ka soo baxday jiho kale isla markaana ay u socto jiho kale oo dowladnimo ah.

“Waxaa jirra dad marka ay ogaadaan in laga soo baxay jidkii dhibka badnaa ee dowlad la’aanta looga jiheestay jidkii dowladnimmada iyo horrumarka dad ka cabsada ayaa jirta, waxaan lee nahay dadkaas oo qabsada gacantaas horrumarka ku socota” ayuu yiri Xasan.

Marka la eego sidda loo soo dhaweeyay madaxweynaha iyo sidda uu hadlay waxaa ka muuqata kalsooni buuxda in uu ka adkaan karo xildhibaannada doonaya in uu is casilo.

Xasan Sheekh wuxuu shaley ku lugeeyay inta u dhexeysa taaladda daljirka Daahsoon ilaa madaxtooyada halkaasoo dadweyne fara badan uu kula hadlay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud waxaa cad in ay ku soo furmayn culeys cusub isagoo horrey culeyso kale heestay, ma cadda sidda uu isaga moosi doono dabeesha cusub ee la soo daristay.

24

IMG_0749

IMG_0976

603688_1429881303937319_8714976746366151155_nCaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com