Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo culeysyo kala duwan xiligaani kala kulmaaya dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Maamulada qaar ayaa markii ugu horeysay soo jeediyay tallo dhanka Dastuurka ah.
Jawaari waxa uu sheegay in Somalia ay ku jirto jawi lagu raadinaayo isku keenida maamulada ka maqan gacanta Dowlada iyo u diyaar garowga Dooraasho sinaan ah oo ka dhacda dalka.
Jawaari waxa uu soo jeediyay in Dastuurka KMG ah uu mudan yahay in uu sii ahaado kumeel gaar ilaa dadka dega Gobollada Waqooyi ee dalka ay aragti ku darsanayaan.
Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale soo jeediyay in Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dowlada looga baahan yahay in meel fog ay ka eegaan masiirka Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in hadii ay noqoto faragalin lagu sameeyo Dastuurka ay ka dhigan tahya in Somaliland aysan ka tirsaneyn Somalia sidaa aawgeed loo baahan yahay ka fiirsasho si Gobollada Waqooyi ee dalka xal loogu helo.
Waxa uu tilmaamay in taladiisu ay tahay mid ilaalineysa midnimada Umadda Soomaaliyeed,waxaana uu intaa ku daray in Geeddi socodka Dastuurka ee hadda la wado ay muhiim tahay in laga qeyb geliiyo Shacabka Waqooyi ee Dalka, si uu yiri meesha looga saaro faquuqa.
Dhinaca kale, Gudoomiye Jawaari waxa uu ka digay in lagu fududaado Ansixinta Dastuur dhameystiran oo uu yeesho Dalka,iyada oo uu Dastuurku yahay qabyo qoraal iyo Kumeel gaar ah.
Maamulka Somaliland ayaa horay u shaaciyay inay ka go’een Somalia inteeda kale waxa uuna Haddalka Jawaari yahay mid ku fooraara Somaliland oo la dareensan yahay in hadalkaasi aysan ku faraxsaneyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

