Jawaari oo weeraray Odayaasha beelaha HAWIYE kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhaliil dusha uga tuuray Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kadib markii uu sheegay inay ka gaabiyaan cadaalada.

Jawaari waxa uu sheegay in Odayaashu ay cadaalada ay ka hor mariyaan cadaalad darida waxa uuna tilmaamay in mar waliba ay Baarlamaanka usoo xulaan xubno aan waxba kaga duwaneyn kuwa fadhiit-ka ah.

Jawaari waxa uu sheegay in Odayaasha Hawiye looga baahan yahay inay la imaadaan xubna ilaalin kara sharafkooda, haddii ay dhacdo inay soo xushaan xubna liita ay sabab u keeni karto jiritaankooda.

Waxa uu ku celcelshay in lagama maarmaan ay tahay in laga fiirsado xaqiiqda lagu soo xuli doono xubnaha imaan-doona iminka, waxa uuna cadeeyay in gabi ahaan Baarlamaanka uu saaxiib u noqday nidaam nin jecleesi ah.

Dhaliisha ugu badan ayuu dusha u saaray Odayaasha Hawiye isaga oo sabab uga dhigay ka gaabinta mas’uuliyadii ay qaaden.
Dhanka kale, waxa uu ka digay in xubnaha ay iminka la imaan-doonaan lala mid dhigo kuwa hadda shaqeeya ee aan laheyn aqlaaqda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com