Jeesow: Madaxweynaha waa beenaale hadduu leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaa la qaban karaa 2020

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, islamarkaana ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda, ayaa sheegay inaysan Soomaaliya waqtigaan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaan Jeesow ayaa ku dooday in amniga dalka uu yahay mid aan la isku haleyn karin,  sidaas darteedna aysan macquul aheyn in been loo sheego shacabka Soomaaliyed.

Wuxuu sheegay inuu Muqdisho baabuur uga bixi jiray kuna tagi jiray Jowhar, markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, balse uusan hadda tagi karin sababo amni awgeed, isagoo sii raaciyey in xataa aan Afgooye la aadi karin.

“Aniga waxaa la iga soo doortay Jowhar, markii ay doorashada socotay maalintii shan jeer ayaan baabuurkeyga ku tagi jiray Jowhar, hadda lama tagi karo xataa waxaa halis ah in la aado Afgooye” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay inay dowladda Soomaaliya iska daa wax kale ay xitaa ku fashilmatay sugidda Amniga inta u dhaxeyso Sayidka iyo Madaxtooyada, sidaas darteedna aysan suurta gal aheyn in dadka safaf dhaadheer lasoo geliyo loona sheego inay dhaceyso doorasho qof iyo cod ah.

“Albaabkii Villa Somalia ayaa la isku dilayaa oo weerar ka socdaa, sidee doorasho qof iyo cid ah ah ay dalka uga dhaceysaa, ma shacabka ayaa been loo sheegayaa.” ayuu yiri Jeesow.

“Ha noqdo madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiir, iyo xildhibaan, qof kasta oo yiraahdaa dalkan ayaa doorasho qof iyo cod ah ka dhici kartaa, waa beenlow.” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Jeesow oo la hadlay taleefishinka RTN