QM oo aqoonsatay maalinta 18-ka May ee Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-May ee Somaliland ay ugu dabaal degto maalinkii ay ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay dalka Soomaaliya, u aqoonsatay inay tahay maalin fasax.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidaasi ku sheegay waraaq rasmi ah oo uu kala diray shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gudaha deegaanada Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-ka May shaqaalaheeda ugu dartay maalmaha fasax ah ee sanadka soo socda ee 2020-ka, sida lagu cadeeyay waraaqda rasmiga ah ee maalmaha fasax, midaasi oo ku taariikhaysaneed 9-Dec-2019.

Waxa sidoo kale warqadaasi lagu sheegay in maalinta 18-ka May ay fasax noqon doonaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala gudaha Somaliland oo keliya, maadama ay tahay maalinta madax-banaanideeda.

Warqadan ay UNSOM shaqaalaheeda ku wargelinaysa maalmaha fasax ayaa waxa kale oo ku jirtay maalinta 26-juun, midaasi oo lagu sheegay inay fasax ahaan doonaan shaqaalaheeda Soomaaliya iyo Somaliland.

UNSOM ayaa marnaba warqadeeda ku xusin in shaqaalaha uga howl-gala gudaha Puntland ay maalinkaasi 26-juun ay fasax ahaan doonaan, halka ay ku dartay UNSOM in shaqaalaha Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya ay fasax yihiin maalinka 1-Luulyo, oo ah maalintii midnimada iyo xoriyada.

Talaabadan uu Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu soo daray 18-ka May maalmaha fasaxa ah ee shaqaalihiisa ayaa u muuqata mid uu iskala mid uga dhigayo shaqaalaha kale ee ka howl-gala gudaha Somaliland, oo iyagu maalinkaasi hore u ahaa fasax.