Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddiga wada-hadallada DF iyo Somaliland

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa Madaxtooyada kulan wada tashi ah kula yeeshay guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynae Farmaajo uu guddigan ku bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen muddadii ay magacaabnaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso sida ay uga go’an tahay horay u socodsiinta isku soo dhawaanshaha labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa guddigan faray in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland.

Dhankooda, xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.

Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.