JEESOW oo si cajiiba uga hadlay guusha ay ka gaareen cadaadiskii ay ku hayeen Jawaari ee Is casilaada sababay

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mooshinka xilka uga tuuray Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa aad usoo dhaweeyay Is casilaada Jawaari.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay Is casilaada ayaa sheegay inay kusoo began tahayxili muhiim ah,waxa uuna tilmaamay in xili hore la doonaayay inuu is casilo balse uu iminka soo dhaweynaayo.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in is casilaada  Jawaari ay soo gebagebaysay Xiisadda Siyaasadeed ee taagnayd, waxa uuna go’aanka Jawaari ku micneeyay mid dhiirigalin u ah Qaranka.

‘’Waxaan qirayaa inaan ka mirro dhalinay hadafkeenii ahaa inaan ridno Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka, waxaa u sabab aheyd inuu salka danbe u maray shaqsiyaad aan orankaro inay ku cusub yihiin baarlamaanka, waxa ayna taa dhiiri galisay Mooshinka’’

‘’Horayba waa u filaayay is casilaada Jawaari, waxaanse kusii qanceynaa cashirka aan ka baranay Mooshinka iyo mowqifka Xildhibaanada’’

Jawaari ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay, iyadoo lagu waday in Xildhibaanada  maanta Codka Kalsoonida u qaaday Mooshinka ka dhanka ah Prof. Jawaari.

Dhinaca kale, Gudoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xilkaasi hayey tan iyo sannaadkii 2012-kii, xiligii Madaxweynihii Dowladda KMG ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com