Madaxweynaha Galmudug oo war rasmi ah kasoo saaray is casilaadda Guddoomiyaha Baarlamaanka

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo maalmihii dambe safar ugu maqnay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Xaaf ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxa uu warbaahinta ugu warbixiyay safarkii uu ku tagay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay in Jabuuti uu u tagay ka qeyb galka shirka halkaasi ka dhacayay, wuxuu kale uu sheegay in madaxda dalka Jabuuti iyo shirkado caalami ah uu kala hadlay dhismaha Dekada magaalada Hobyo, dhawaan la bilaabi doono dhismaheeda.

Dhankale Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa soo hadal qaaday iscasilaada Gudoomiyihii Golaha Shacabka Maxmed sheikh Cusmaan Jawaari, wuxuuna yiri Jawaari waa oday nabadoon ah, wuxuu dalka ka bad baadiyay bur bur iyo dib u dhac markale soo wajihi laa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa amaan ujeediyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Wuxuuna ku amaanay Go’aanka uu isaga casilay Xilkii uu ka hayay Dowladda, Khilaaf oo jiraa ayuu Xaaf sheegay iney dhaanto in qof dhinto Balse waxa ugu xun yahay Khilaaf ka dhex jira Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha Dalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya iyo Baarlamaankaba iney wixii hada ka danbeeya iska ilaaliyaan Khilaaf Cusub, Maamulkooda Galmudug ayuu tilmaamay iney ka danbeeyaan Maamulada kale, Mar aan fogeyna ay ka baxeen uun Khilaaf mudo hareeyay.

Inkastoo aanu Jawaari si rasmi ah ugu dhawaaqin is casilaada, hadana waxaa muuqata in si hoose loo dusiyay wada xaajoodkii ay xalay isaga iyo Madaxweynaha yeesheen, taasoo ka dambeysay inuu ogolaado is casilaada, Waxaana wada Xaajoodka uu soo Gaaray aroortii hore ee Saaka.

Maanta waxaa baaqday kulan kale oo dhinacyada is haya ee xildhibaanada baarlamanka ay ku qabsan lahaayeen guriga ummadda kaddib markii fariimo loo diray ah inuu kulanku baaqday.

Sida wararku sheegayaan Warqad uu soo qoray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa laga hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana akhriyay Gudoomiye Muudey.

C/wali Muudey Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo Warqadda iscasilaada Jawaari akhriyay ayaa sheegay maalinta Arbacada ah in Gudoomiye Jawaari uu hor imaan doono Baarlamaanka, kulanka guud ee Golahana uu ka shaacin doono iscasilaadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com