Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi, ayaa sheegay in heer geba-gabo uu marayo gulufka ay damacsan yihiin in lagu xoreeyo dalka, xilli la guda galayo wejiga labaad ee dagaalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay toddobaadyada soo socda qaadi doonaan hawlgal ballaaran, oo yoolkuna yahay in maleeshiyada Al-Shabaab lagaga sifeeyo dhulka ay maamulaan.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkan uu daaran yahay, sidii kooxaha argagixisada looga suulin lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan oo idil.

“Toddobaadyada soo socda qorsheyaasha u degsan Shabaab, waxaan ugu talagalnay dhammaan inaan uga sifeyno dhulka ay ku jiraan, marar badan baana dhahnay waan ka sifeynaynaa, wayna dhacday oo sidii bay u dhacday oo uga sifeynay,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa ku hadalqabsaday “Haddana ciidamada guluf xoog leh, ayagoo garbo siman u socda ayay ku wajahan yihiin meelaha ay haystaan oo dhan.”

Jananka ayaa intaasi ku daray “Waxaan bilaabaynaa duulaan iyo guluf colaadeed, waana maqli doontaan, haddii Ilaahay yiraahdo.”

Maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa Shabaabka lagaga saaray, inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga ciribtiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab.

Shabaabka ayaa wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, ka dib muddo dhowr iyo toban sano ah oo ay dalka ka dagaalamayeen.