Ku dhowaad 20 qof oo ku geeriyooday AFMADOW

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag  ay taagan tahay degmada Afmadow ee gobolkaasi, kadib markii uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo sababay dhimasho fara badan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maamulka Jubbaland, Mudane Maxamed Cismaan Jeemis oo la hadlay warbaahinta ayaa ka deyriyay xaaladda degmada Afmadow, gaar ahaan dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Jeemis ayaa xaqiijiyay in cudurka ay u dhinteen illaa 17 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waa weyn, isla-markaana ay sii kordhinayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gureen Ceelashii biyaha macaanaa ee ku yaallay degmada, taasina ay uga sii dareyso xaaladda ka jirta galkaasi.

“Dhimashada haatan waxay mareysa 17 ruux dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha macaan ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah taas oo sii kordhineysa in cudurka uu kordho dadka uu soo rosanayo” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cismaan Jeemis.

Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray hay’adaha gargaarka, ganacsatada iyo shacabka, isaga oo ka codsaday inay u gurmadaan dadkaasi.

Dhanka kae Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa sidoo kale booqday Afmadow, waxayna gaarsiiyeen deeq daawo ah iyo raashin.

Xaaladda Afmadow ayaa haatan mid adag, waxaana sidoo kale magaalada dareemayaa xaalado bani’aadanimo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Afmadow ayaa waxaa sidoo kale dhibaato ku haya kooxda Al-Shabaab oo ku sugan hareeraha degmadaas oo dhowr jeer oo hore ay weeraro culus kusoo qaadeen.