Muxuu Laascaanood ka qabanyay taliye hore ee Danab kahor inta aan la dilin?

Laascaanood (Caasimada Online) – Sabtidii la soo dhaafay waxaa baahay war ku saabsan geerida Maxamed Aadan Suleymaan, nin dhalinyaro ahaa oo soo hugaamiyay ciidamado qaas ah oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Maxamed wuxuu mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee Maraykanku gacanta ku hayo.

Mar kale wuxuu noqday taliyaha cutub boliis qaas ah, oo shaqadoodu tahay in ay baaritaano ka sameeyaan goobo aan laga fileyn oo kamid ah caasimadda Muqdisho. Inta badan dadku waxay u yaqaanaan ‘Booliska Guurguura’.

Ma wuxuu ahaa sarkaal shaqada dawladda ku jira markii uu dhimanayay?

Taliyaha Ciidamada Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo lahadlay BBC da wuxuu sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinamadiisa.

Mar aan si qaas wax uga waydiinay arrinta Taliye Maxamed, wuxuu sheegay in uusan xasuusan magaca sarkaalkaas balse uu waayay xubinimadiisii ciidanka marba hadii uu ku biiray dagaalka Laascaanood.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

Balse taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

Kumuu ahaa Maxamed Suleymaan?

Sanadkii 2011 kii Maxamed wuxuu qayb ka ahaa ciidamo dawladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Uganda, inkasta oo aan la xaqiijin karin in uu xilligaa ku soo biiray ciidanka iyo in kale.

Kadib tababaro kala duwan ayaa Maxamed loogu qaaday qaar kamid ah wadamada Soomaaliya ka caawiya dhismaha ciidamada oo uu kamid yahay Turkigu.

Waqtigii dawladii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu noqday taliyaha ururka afaraad ee ciidamada Danab ee saldhigoodu yahay xerada Ballidoogle, Laakiin sanadkii 2021 kii ayuu u wareegay cutub boolis qaas ah kuwaas oo baaritaano ka sameeya wadooyinka caasimadda Muqdisho, oo uu taliye u noqday.

Markii uu bilowday dagaalka Laascaanood, waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaal isaga oo ku sugan furimaha dagaalka, kana hadlaya dagaallo ay la galeen Somaliland iyo khibradda ay kala kulmeen dagaalka.

Ciwaan Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Haybe Shire ayuu ku soo daabacay sawiro isaga qori boobe ah garaarsan marna qoriga wax lagu shiisho wata.

Qof ay qaraabo yihiin ayaa noo xaqiijiayay in Maxamed uu ku geeriyooday dagaal sabtidii la soo dhaafay ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray banaanka magaalada Laascaanood.

Ku dhawaad laba bilood ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka socda dagaal sababay dhimasho iyo dhawaac badan. Warbixinno ay soo saareen hay’adaha xuquuda aadanaha ayaa sheegay in tobanaan kun oo shacab ay ka barakaceen magaalada.

Banaanbaxyo ay dhigeen dad shacab ah oo ka gadooday dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada ayaa isu badalay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidanka Somaliland.