PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay DAGAALKA magaalada Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa markale maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo diray baaq culsu.

Karaash ayaa marka hore farriin u diray ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay inay adkeeyaan amniga inta lagu jiro Ramadaan.

“Hay’adaha amniga waxaan kula dardaarmayaa inay adkeeyaan bishatan nabad-gelyada  oo dadaal dheeraad ah muujiyaan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntand ay aad uga xuntahay shacabka la barakciyay magaaladaasi ee haatan ku soomayo, xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

“Laascaanood dhibaatada ka socota aad iyo aad ayaan uga xunahay dadka reer Laascaanood ee aan ku soomeyn guryahoodii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahana reer Puntland, isaga oo ka dalbaday inay gurmad u fidiyaan dadka reer Laascaanood.

“Waxaan kula dardaarmayaa dadka reer Puntland, inay afuriyaan dadka kasoo barakacay Laascaanood oo ay ka warqabaan,” ayuu markale yiri Axme Karaash.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ka hadashay arrinta magaalada Laascaanood, waxayna eedeym xoogan kala kulantay maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana dagaalka uu galay bishii labaad oo xiriir ah, ayada oo labada dhinac ay ka biyo diideen hirgelinta xabad joojinta.