Golaha wasiirada DF oo loo gudbiyay arrin xasarad badan ka abuurtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan Bajaajleyda, arrimaha  amniga iyo dagaalka Shabaab.

Ugu horreyn Golaha ayaa warbixin gaar ah ka dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Guddigan oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xog-wareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban illaa 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan Bajaajleydu.

Golaha ayaa ballan-qaaday in la fulin doono dhammaan qodobadaasi, si wax looga qabto dilalka joogta ah ee ay la kulmaaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay  Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sidoo kale Golaha Wasiirad ayaa adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay fuliso Al-Shabaab.

Xalay ayaa ugu dambeysay kooxda Al-Shabaab ayaa madaafiic xoogan ku garaacay xaafado ka tirsan caasimada, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jabiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.