DF oo baareysa shirkado sameeyay arrin yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay baaris ku bilowday qaar ka mid ah shirkaha ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta tartankii loogu jiray adeegga Xajka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan dhowr shirkadood oo ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan rtankii loogu jiray Xajka.

“Xafiiska xeer-ilaliya guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Sido kale wuxuu xafiisku intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, isla-markaana lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale fartay hay’adaha shaqada ku leh arrintan inay si deg-deg ah xafiiska ugu soo gudbiyaan warbixinada la xiriira baaritaankaasi.

“Xafiisku waxa uu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay si deg-deg ah usoo gudbiyaan dhammaan warbixinada khuseeya baaristaanka,” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale diginiin u diray dhamman shirkada iyo shaqsiyaadka isku haya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan.

“Wuxuu xafiisku halkan digniin culus ugu dirayaa dhammaan shirkadaha iyo dadka isku dayaya been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan ,” ayaa markale lagu yiri

Ugu dambeyn xafiiska ilaaliyaha Qaranka ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in warbixinada la xiriira dambiyada ay usoo gudbiyaan xafiiska.