Jeneral Odowaa oo ka degay Buulo-Burde iyo Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Buulo-Burde taliyaha qeybta 27-aad, Jeneraal Tareedisho iyo Saraakale kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo ku sugnaa degmadaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Buulo-Burde ayaa ujeedkiisa u weyn yahay ka qeyb-galka munaasibada daah-furka taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay degmadaas iyo dar-dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Odowaa ayaa inta uu ku sugan yahay Buulo-Burde waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Saraakiisha ciidamada, oo uu kala hadli doona dar-dar gelinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysanayey gobolka Hiiraan.

Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle gaaray degmada Buulo-Burde, oo kulamo kula qaatay maamulka iyo odaayasha degmadaas.

HirShabeelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hogaanka maamulkaasi, fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar iyo dagaalka Al-Shabaab.