Jeneraal XUUD oo sheegay in DF ay dhabar-jebisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jeneraal Xuud oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dhabarka laga jabinayo wada-hadaladii ay u yimaadeen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Beledweyne sida aan hadda u jeedo, waxay ku dambeyn doontaa sidii Duusamareeb iyo Guriceel ka dhacday oo kale, haddii wada-tashiga iyo miiska aan u nimid la xoojinin, wax meel la isla dhigin, isku talana aan la noqon, waxay u ekaanaysaa in faraha la isla galo, meel xuna ay tagto, masuuliyaddaasna iyagaa qaadi doona berito,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay Jeneraalka haddii aan wax laga bedelin sida ay wax u socdaan ay Beledweyne u dambeyn doonto sidii Dhuusamareeb iyo Guriceel ka dhacday oo kale.

Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo wada-hadalada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho oo laga daayo dhabar jabinta, xilli maanta laga dejiyay Beledweyne ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee horay u joogay magaaladaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonaan ciidamada sugaya amniga doorashada kuraasta taalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Jeneraal Xuud ayaa hore u shaaciyay in uu wadada wada-hadalka ku raadinayo tabashada uu qabay, asaga oo wada-hadal la furay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kaasi oo u muuqda mid illaa hadda aan is-faham rasmi ah laga gaarin.