Jeneraal Xuud oo soo saaray war xasaasi ah (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud oo dadka reer Beledweyne uga tacsiyeeyey qaraxii is-miidaaminta ahaa iyo dilalkii ka dhacay magaalada maalmihii lasoo dhaafay, ayaa wacad ku maray in halgankii kacdoonka ahaa ay sii wadi doonaan.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Beledweyne ay maalmihii lasoo dhaafay wajaheen dilka nabadoonkii ugu weynaa beesha Xawaadle, dilka Taliyihii Saldhigga Beledweyne oo Haramcad dishay iyo qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay bartamaha magaalada, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 20 qof.

“Isla xisaabtan ayaa jiri doona, lagu kala hari maayo wixii ka dhacay Beledweyne, hadii iska dil ay ahaan jirtay oo la iska aamusi jiray, hada lasii aamusnaa maayo, kuwii dhibkaas geystay hadey xal diyaar u yihiin iyo hadey xoog wataanba diyaar ayaan u nahay inaan wajahno,” ayuu yiri Xuud.

Jeneraalka ayaa beeniyey inuu xiran yahay, “Waayahaan waxaa la waday war ah Xuud waa xiran yahay, war ma xirniye ogaada, wadahadal ayaan Xamar u imid, mowqifkeenii kama tanaasuleyno, wadahadalkaas markii uu dhamaado ayaa war la iga heli doonaa,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud oo Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale odayaal reer Hiiraan ah oo ayaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyey geerida dadkii lagu laayey qaraxii ka dhacay Beledweyne, kaas oo qof naftiisa haligay uu ku beegsaday dad ku sugnaa goob maqaayad ah.

Hoos ka daawo