Jeneral Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa si daga uga hadlay siyaasada fashilantay oo ay dheeleyso dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Qeybdiid waxa uu sheegay in DFS ay ku fashilantay in dalka ay gaarsiiso heerkii laga filaayay waxa uuna carab dhabay in dhibaatooyin hor leh ay u horseeday dalka.

Isaga oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in fashilka iyo dhaliisha ugu badan ay tahay mid ka imaaday dhanka doorashada oo aan wali la gaarsiin qof iyo codkiisa, waxa uuna intaa raaciyay in walaac uu ka qabo in xitaa ay dhacdo doorasho.

Qeybdiid waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay inaysan dhicin doorasho maadaama uu yiri xaalada lagu jiro aysan tilmaameynin mid lagu qabankaro doorasho xor ah.

Dowlada ayuu sidoo kale, ku eedeeyay in Caburin ay ku heyso siyaasiyiinta iyo Beelaha doonaya in ay ka shiraan aayahooda gaar ahaan ay ka hadlaan fashilka dowladda ee Arrimaha Doorashooyinka ku aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com