Xog: Dowladda Turkiga oo qaaday tallabo cusub oo aan laga fileyn

Ankara (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay xabsi dhigtay laba duuliyeen oo dalkeeda u dhashay kuwaasi oo bishii November ee sannadkii hore soo riday diyaaradii laga lahaa dalka Russia.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in labadaasi duuliye ay qeyb weyn ka qaaten weerarkii lagu afganbin lahaa dowlada Turkiga.

Dowlada Turkiga waxa ay sheegtay in labada duuliye ay Bishii November ee sanadkii hore ay ku guuleysteen soo riditaanka diyaaradii laga lahaa Russia ee SUl-24, balse markii danbe ay gadaal ka halaaben islamarkaana usoo jeesteen burburinta dalkooda.

Dowladu waxa ay sheegtay in kiiska loo qabtay labada duuliye loo helay cadeymo, hayeeshee aanu dowlada cafin doonin.

Duqa magaalada Ankara ee dalka Turkiga Melih Gokcek ayaa sheegay in duuliyayaasha ay qirteen inay taageero u yihiin Sheekh Fatxullahi Gulen, islamarkaana ay Duuliyayaasha u soo rideen Diyaaraddii Dagaalka ee Russia ay u waxyeeleeyaan Dowladda Turkiga.

Russia ayaa aad usoo dhaweysay go’aanka ay dowlada Turkiga ku tuhmeyso labada duuliye, waxa ayna Russia ku talisay in labadaasi duuliye lasoo afjaro.

Dhanka kale, Dowlada Turkiga ma aysan sheegin waxa uu noqon doono xukunka labada duuliye ee kaalinta ka qaatay afganbintii ka dhacday Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com