CEEB: Gaas oo Galan weydiistay ciidan uu kula dagaalo Somaliland

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xubno sar-sare oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas Iyo saraakiisha ciidamada Puntland ay gudoomiyahii hore ee gobolka Barri Cabsimad- Galan oo ciidamo ku haysta degaanada Barriga ah ka codsadeen maalintii shaley 18 July, 2016  inuu ku soo biiro gurmadka loogu jiro difaacida gobolka Sanaag.

Wararkaan ayaa shegaya in Gudoomiye Galan uu ka cududaartey codsigaas isaga oo sheegey in ciidanka uu hayo yihiin kuwo Qabiil arinkuna hadda joogin in beelaha  loogu yeero difaaca Puntland.

Galan oo khilaaf siyaasdeed ka dhexeeyo xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa ciidamo beleedyo ku haysta degaanada Barriga Fog ee Puntland.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa horey ugu yeertey in gudoomiyahii hore iyo cidanka uu haysto yihiin kuwa Burcad badeedka xiriir la leh islamarkaana ay ku jiraan xubno argagixisada la leh xiriir, edeyntaas oo uu beeniyey Galan.

Waxaa socda Waan-Waan ka dhex socota xukuumada Madaxwyne Gaas iyo Galan taasoo ay garwadeen ka yihiin culumaa’udiinka Puntland.

Gobolka Sanaag ayaa waxaa ciidamo u soo direy dowlada Somaliland kuwasoo la socda Wasiiro kasoo jeeda degaanadaas oo raba iney diiwan galinta doorashada ka hirgaliyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.

Xukumada Madaxweyne Gaas ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan olalahaan diiwaan-galinka Somaliland ku baraarugtey iyadoo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ugu diyaargaroobin qaabkii ay kaga hortagi laheyd barnaamijkaas.

Wasiirada ka tirsan xukuumada Madaxwyne Gaas ayaa markii xubno ka tirsan golaha fulinta Somaliland soo galayeen magaalo madaxyada gobolka Sanaag iyo Highland [ Baran iyo Dhahar] banaanka ka joogey halka ciidmada Puntland aysan heegan buuxa kaga jirin abaabulka ciidan ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com