Liyuu Boolis oo kharijisay wadaad caan ah iyo saraakil ka tirsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka Ismaamulka Soomaalida ethiopia, ayaa sheegaya in duulaan ay qaaden ciidamada maamulka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Liyuu Boolis ay ku dileen wadaad caan ah oo ka tirsanaa Jabhada ONLF.

Duulaanka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Shilaabo oo ay ku badan yihiin Saraakiisha iyo dagaalyahaanada ONLF.

Duulaankaasi ayaa waxaa lagu khaarijiyay wadaadka lagu magacaabo Sheekh Deeq oo ka mid ahaa Golaha Dhexe ee Jabhada ONLF iyo labo kale oo ka tirsanaa Saraakiisha Jabhadaasi.

Wadaadka lagu dilay weerarka ayaa waxaa si aad ah u baadi goobaayay ciidamada ismaamulka kuwaasi oo goor sii horeysay ku sigtay inay gacanta ku dhigaan, hayeeshee uma aysan suuragalin inay nolosha ku qabtaan.

Saraakiil ka tirsan Ismaamulka Soomaalida ethiopia, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay Wadaadka iyo Saraakiil ka tirsanaa Jabhada ONLF.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Jabhada ONLF oo xaqiijin kara in la khaarijiyay wadaadkaasi iyo Saraakiisha la joogtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com