Obama iyo ERDOGAN oo kawada hadlay laba arrin oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowlada Mareykanka uu xiriir toos ah la sameeyay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu weli dalkiisa uu ku jiro xaalad murugeysan.

Madaxweyne Obama ayaa dhigiisa kala hadlay Afganbigii dhicisoobay iyo kaalinta kaga aadan dowladiisa, waxa uuna u sheegay inuu ugu yaboohaayo khubaro kala shaqeeya baaritaanka ay wado dowlada Turkiga.

Madaxweyne Obama waxa uu dhigiisa u cadeeyay in Mareykanku uu bixin doono gargaarka ku habboon ee ku aaddan baaritaannada si ay kala shaqeeyaan xaqiiqda jirta.

Yabooha uu ballanqaaday Obama ka sokow waxa ay labada mas’uul ka wada hadley codsiga Turkiga ee ku aadan in loo soo gacan geliyo wadaadka Turkiga uu ku eedeynaayo Afganbiga ee lagu magacaabo Fethullah Gulen kaasi oo iminka ku nool dalka Mareykanka.

Obama inta uu wada hadalka socday kuma uusan dhiiran in Erdogan uu ka qanciyo eedeeynta loo jeedinaayo wadaadka ku nool dalkiisa Fethullah Gulen, balse waxa uu Obama taasi badelkeeda ku dhiiraday inuu ka aamuso qodobkaasi xasaasiga ah.

Aqalka Cad, ma aysan ka faaloon go’aanka uu Obama ka qaatay codsiga soo dhiibida Fethullah Gulen.

Labada Madaxweyne ayaa waxa uu xiriirkooda ahaa mid ku eg ballanqaadka ah in U.S ay kaalin miisaan leh ka qaadaneyso baaritaanka socda.

Ma cadda sida ay dowlada Mareykanka ku raali galin doonto dowlada Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com