Taliyihii nabad sugida oo dacwad ka gudbinaya wasaarada amniga

Muqdisho (Caasimada online) – Taliyihii hore ee ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ahna xoghaya guud ee xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay iney dacwad ka gudbinayaan wasaarada amniga ee xukuumada Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabayay hadal kasoo baxay wasaarada amniga ee xukuumada Soomaaliya kaasi oo ahaa inaan magaalada Muqdisho lagu qaban karin shir aysan wasaarada ka warheyn oo xisbiyada ay qabsanayaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga Daljir wuxuu sheegay in warqadaasi ay tahay mid sharci daro ah oo kasoo baxday wasaarada amniga, ayna ka gudbinayaan warqad ay ku cadeynayaan wasaarada, maadaama warqada aysan waafaqsaneyn wax sharci ah.

“Warqad seddex sadar oo kaliya ah oo sharci aan loosoo daliilsaneyn laguna amrayo hoteelada inaan shir lagu qaban karin, ma ahan mid aan aqbaleyno, waxayna kasoo horjeedaa qodobla 20 ee dastuurka oo tilmaamaya arimo badan”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sidoo kale sheegay in ogolaansho qofka inuu ka qeyb qaato banaanbaxyo nabadeed iyo inuu shirar qabsadaa inaan looga baahneyn madaxweynaha Soomaaliya sida dastuurka uu dhigayo.

“Wax ogolaansho ah xitaa madaxweynaha u sarreeya looma baahna, Dastuurka ayaa sheegaya madaxweynaha Dastuurka ayuu ku dhisan yahay, wasaaradda amniga iyo wasaaradaha kalena Dastuurkan inay ilaaliyaan oo ixtiraamaan baa laga raabaa.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi

Ugu dambeyn xoghayaha guud ee xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dacwada ay ka gudbinayaan wasaarada amniga ay tahay kaliya mid ku saleysan warqada kasoo baxday, balse ay la socdaan waxqabadka wanaagsan ee wasaarada bulshada u heyso.

“Annaga horta wax hadda nahor istaagay ma jirto, annaga waan soo jirnay waana shaqeyneyanay, waa annagii Ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha dacweynay, haddana wasaaradda amniga ayaan dacwad ka gudbin doonnaa, taasi oo ku saabsan warqaddii u dambeysay, waxaan aaminsannahay inay dalka u adeegto, ka shaqeyo laakiin warqaddii darraad ay soo saartay waxay ahayd mid sharciga hareer marsan.”

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com