Go’aan cenykee ayey Somaliland ka qaadatay hay’adaha Turkiga

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaysan waafaqsaneyn go’aankii ay dowlada Somalia dalka uga ceyrisay Hay’adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaalada Hargeysa.

Maamulka Somaliland waxa uu sheegay in go’aanka DFS uusan aheyn mid khuseeya maamulka islamarkaana ay diyaar u yihiin inay laba jibaaran calaaqaadka kala dhexeeya Hay’adda Nile Academy.

Sacad Cali Shire, oo ah Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland, ayaa sheegay inaanay Somaliland dalkeeda ka saari doonin Nile Academy, maadaama aanay wax dambi ah ka gelin Somaliland islamarkaana jebin shuruucda maamulka.

Wasiirka waxa uu sheegay in Somaliland uu ka jiro sharci aan suuragalineynin in laga talaabo waxa uuna yiri “Inagu waxaynu nahay wadan Sharci leh, sharciga nooma saamaxaayo inaan wado qaldan Nile Academy ku burino”

“Nile Academy waxaan Somaliland ka musaafurin doonaa goortii ay jabiso sharcigeena, inta ka sokeyso waxba nagama khuseyo go’aanka dowlada Somalia”.

“Nile Acadamay haddii aanay sharcigeena jabin oo aanay dambi inaga galin kama eryi karno Wadankeena, kumana tacadiyi karno, inagana Somaliland baa la ina yiraahdaa ee Somaliya la inama yiraahdo, Somaliyana teeda ayaa khuseeysa ee teenu ma khuseeyso”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com