Xog: Kulan su’aalo badan dhaliyey oo dhex maraya Xasan iyo Al-Siisi

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Somalia iyo Masar ayaa lagu wadaa in kulan labaad ay kuwada qaatan madasha Shir Madaxeedka dowladaha Carabta oo dabayaaqadda bishan ka furmi doona magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania.

Madaxweynayaasha labada dalka ayaa kulankooda gaarka ah uga wada hadli doona 3 arrin oo kala ah doorashada Somalia, Amaanka iyo taageerada Xassan Sheekh ee arrimaha doorashada.

Kulanka labaad oo ay labada Madaxweyne wada qaadan doonaan, ayaa waxaa dalbaday Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna dhigiisa dalka Masar C/fataax Al-siisii ka doonayaa taageero ku aadan musharaxnimadiisa.

C/qani Maxamed Wacays oo ah Safiirka Somalia u fadhiya dalka Masar, oo u waramaayay Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa magaalada Qahira ayaa sheegay in gogosha labada Madaxweyne ay taallo magaalada Nuwakshoot, waxa uuna xaqiijiyay in kulankaasi labaad uu noqon doono mid dawo u ah xaaladaha labada dal.

Kulankii koowaad ee labada Madaxweyne ayaa muddo laba maalin ka hor ka dhacay magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwanda xili ay halkaasi uga qeybgalayeen shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika.

Dhanka kale, kulanka Seddexaad ee labada Madaxweyne ayaa isna ka dhici doona magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar, sida uu xaqiijiyay Safiirka Somalia ee Masar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com