MUQDISHO, Soomaaliya – Taliye Sare oo ah Ciidanka Cirka Mareykanka, Dagvin Anderson, ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), xilli xasaasi ah oo siyaasadda Mareykanka ee qaaradda Afrika ay galeyso marxalad cusub, gaar ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo 4-tii Juun ku dhawaaqay in AFRICOM sii ahaanayo talis madax-bannaan, ayaa sidoo kale Janaraal Anderson u dallacsiiyay darajada janaraal afar-xiddigle—shuruud looga baahanyahay dhammaan hoggaamiyeyaasha talisyada dagaal ee goboleed.
Inkasta oo AFRICOM uu weli haysto maqaamkiisa madax-bannaan, haddana awooddiisa iyo ballaarinta howlihiisa ayaa wajahaya culaysyo sii kordhaya, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo siyaasadda Mareykanka ay u muuqato mid ka guureysa istaraatiijiyadda xasillinta muddada dheer.
Goynta taageerada Mareykanka oo Soomaaliya
Mid ka mid ah caqabadaha ugu horreeya ee wajahaya Janaraal Anderson waa inuu la tacaalo saameynta ka dhalata go’aanka Trump uu ku joojiyay dhammaan taageerada Mareykanka ee howlaha nabad-ilaalinta caalamiga ah ee miisaaniyadda sanadka 2026.
Go’aankaasi wuxuu si buuxda u joojinayaa maalgelintii Mareykanka ee Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)—oo lagu beddeli lahaa ATMIS, hawlgalkii nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee haatan gabagabada maraya.
AUSSOM waxaa lagu waday in uu ka koobnaado illaa 12,000 oo shaqaale ah—oo ay ka mid yihiin askar, boolis, iyo shaqaale rayid ah—kuwaasoo ka iman lahaa dalalka Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Masar. Si kastaba, la’aanta taageerada Mareykanka ayaa halis gelisay qorshahaas.
Inkastoo Itoobiya iyo Masar ay u badan tahay inay sii joogaan Soomaaliya sababo la xiriira dano istiraatiiji ah, haddana ma cadda inay qaadi karaan mas’uuliyad buuxda haddii aan maalgelin rasmi ah jirin.
Dowladda Turkiga oo la filayo inay sii waddo barnaamijkeeda milatari ee Soomaaliya, taageeradeeduna waxay u adeegtaa ajandaha qarankooda, mana buuxin karto booska bannaan ee ay ka tagayaan hawlgalada caalamiga ah ee xasillinta.
Iyadoo aysan jirin taageero caalami ah, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo durba la daalaa dhacaya tababar iyo qalab la’aan, ayaa si weyn ugu adkaan doontaa inay hor istaagaan soo kabashada Al-Shabaab iyo kooxaha jihaad-doonka kale. Khubaradu waxay ka digayaan in dhulkii horey looga saaray dagaalyahanada uu mar kale dib ugu soo dhici karo gacantooda.
Caqabadda istiraatiijiyad ee horyaalla Anderson
Inkasta oo AFRICOM ay weli awood u leedahay inay fuliso duqeymo cirka ah iyo tababaro xagga xeeladaha ah oo la siiyo cutubyada Soomaaliyeed, haddana maqnaanshaha qaab-dhismeed nabad-ilaalin oo joogto ah ayaa wiiqaya dadaallada xasillinta ee muddada fog.
Janaraal Anderson hadda wuxuu la tacaalayaa isbeddel istiraatiijiyadeed oo degdeg ah—midkaas oo muujinaya in Mareykanku uu si isa soo taraysa ugu tiirsanaanayo duqeymaha fog-fog iyo hawlgallada aan joogtada ahayn, isagoo hoos u dhigaya doorkiisii diblomaasiyadeed iyo taageerada dhabta ah ee dhulka ka socotay.
Jiho-siyaasadeedka cusub ee Trump ayaa u muuqda mid u wareegaya dhanka milatari ee u eg “ganacsi iyo gorgortan,” iyadoo la dhimayo shuruudihii siyaasadeed lana yareynayo mudnaantii la siin jiray maamulka iyo horumarka. Tani waxay ka dhigan tahay in AFRICOM hadda haysto agab kooban oo ay kaga jawaabto khataraha sii kordhaya ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Haddii xaaladda amniga ay sii xumaato, Trump waxaa laga yaabaa inuu wajaho laba doorasho oo khatar ah: inuu gebi ahaanba ka baxo Soomaaliya—taasoo fursad u siin karta Al-Shabaab inay sii faafaan, gaar ahaan gudaha Kenya iyo Itoobiya—ama inuu qaado tallaabo militari oo ballaaran, taasoo ka mid noqon karta duqeymo badan oo dhanka cirka ah, adeegsi awood cirka oo laga soo rido maraakiibta dagaalka, taageero dheeraad ah oo la siiyo ciidamada Soomaaliya, iyo suurta-galnimada in la geeyo ciidamo Mareykan ah oo dhulka jooga.
Si kastaba, iyadoo hay’adaha rayidka Mareykanka sida USAID si weyn loo dhimay, AFRICOM-na ay si isa soo taraysa ugu hartay wejiga keliya ee ka muuqda ka-qaybgalka Mareykanka, Janaraal Anderson waxay u badan tahay inuu wajahayo khataro adag isagoo haysta xulashooyin kooban.