Jidadka Muqdisho oo xiran iyo wararkii ugu dambeeyey xuska maalinta 12 APRIL

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka socota munaasabadda dabaal-degga xuska 12-ka April oo ku beegan sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegtay aaska aaska ee ciidamada Xoogga dalka.

Munaasabaddan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa loo xiray inta badan jidadka muhiimka ah ee ku yaalla caasimada, taas oo saameyn ku yeelatay dadweynaha.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah jdika dheer ee Maka-Almukarama, wadooyinka Wadnaha iyo Warshadaha.

Sidoo kale waxaa xiran guud ahaan jidadka gala xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ka socoto munaasabadda xuska 62 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka xoogga dalkan Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April.

Ciidamada ayaa waddooyinkan ku gooyey gaadiidka dagaalka, iyada oo la dhigay ciidamo dheeraad ah oo dadka gaadiidka ka celinayo halkaasi.

Munaasabadda oo haatan toos u socota ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), dhammaan taliyeyaasha ciidamada iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaalya.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay taliyey Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay taariikhada dhismaha ciidamada Xoogga dalka iyo marxaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday guulaha waa weyn ee ay gaareen sanadihii dambe.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa khudbad jeedinaya, isaga oo marka hore hambalyo u diray ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiishooda, kadibna guda galay waxqabadka ciidanka.

Xuska 12-ka April ayaa sanadkan kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro xaalada guur ah iyo marxalad doorasho, taas oo keentay in tuhun uu ka dhasho xuska maalintan oo si weyn Villa Soomaaliya lagu eedeeyey inay ka damacsan tahay qorshe kale.