Tuuryare: Muxuu Farmaajo maanta la hor tegi doonaa saraakiisha iyo ciidanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa soo saaray qoraal dheer oo ku saabsan arrimaha dhismaha ciidanka xoogga Soomaaliya oo sanadkaan 62-sano jirsaday.

Jeneraal Tuuryare ayaa su’aal geliyey waxa uu sanadkaan ku faani doono Farmaajo, isagoo tilmaamay in ciidanka uusan dhisin ee uu jaha wareeriyey dhismahooda, wuxuuna soo bandhigay xusuusaha heshiisyadii iyo hanaankii dhismaha ciidanka ee dowladihii ay hoggaaminayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh.

Tuuryare ayaa qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Muxuu  Madaxweyne Farmaajo 12 April uga faani doonaa saraakiisha iyo ciidamada Qaranka hortooda?”

Hoos ka aqriso qoraalka Jeneraal Tuuryare oo dhameystiran:

M/W Farmaajo beri ma wuxuu ku faani doonaa Ciidanki Gorgor ee lagu tababaray xerada Turkisom oo heshiiska tababarida ciidankaas uu Turkida la saxiixay M/W Xasan Sheekh,dhulka xeradana la bixiyay isla xiligi M/W Xasan Sheikh,Tababarkooduna bilowday isla xiligi Xasan Sheikh?.

Guud ahaana Turkida Dalka waxaa keenay oo ay xiligiisi yimaadeen madaxweyne Sh Shariif oo lahaa siyaasad ku dhiiri gelisay Turkida in ay soo gurmadaan xag Bani’aadamnimo iyo xag horumarinba.

Ciidanka kale ee kumaandooska Danab iyana waxaa la aasaasay xiligi M/W Sh Shariif, Xiligi M/W Xasan Sheikhna waxaa loo dhameystiray shuruucdi, hanaanki iyo heshiisyadi ka dhinaa iyo in Dowlad saaxiib nala ah loo helo si ay nooga caawiso dhismihiisa waana la howlgeliyay oo mareykanka ayaa heshiis lagula galay ilaa 5000 oo kumaandoos ah in uu noo tababaro,qalabeeyo si ay gacan xoogan uga geystaan  la dagaalanka argagixisada,waxaa lasoo saaray guutooyin inti Proff.Xasan sheikh madaxweynaha ahaa oo weliba ay howlgalo aragagixisada lagu baacsanayay ay qaadayeen.

Ciidamada kale ee qeybaha kala duwan ee xooga(Qeybta 12 April,Q.21aad,Q.54aadQ.43aad,Q.27aad Q.60aad IWM) Farmaaja waa uga deray oo iyagoo shaqa dhismo iyo horumarin ku socoto ayuu xukunka yimid, in uu sii horumariyo iska daaye waa baab’iyay isagoo aaminsan lataliyayaashiisuna ku anqariyeen in ay u badanyihiin hal beel, iyaga iyo saraakiisha xukuntana uusan garab uga heli doonin in ay sharci dara ugu kaalmeeyaan oo ay u qabtaan Dalka sharcigana uu ku burburiyo si uu madaxweyne aan dhicin Dalka uga ahaado.

Ciidankaas Qeybihiisa kala duwan ee uu M/W Farmaajo aaminsanaa ama la aaminsiiyay in ay hal deegan u badanyihiin oo uu u baabi’inaayay sidaas dareteed 5ti sanee lasoo dhaafay waxay ahaayeen ciidanaka Dalka inta xurta ah ka xureeyay argagixisada ilaa hadana hortaagan,Soomali oo dhan ayayna ka koobnaayeen oo Talisyadooodu Waxay ku kala yaaleen Kismaayo,Baydhado,Beledweyne,Garoowe, Dhuusamareeb iyo Banaadir oo ahayd Taliskooda dhexe sidoo kalana aheydTaliska Q.12ka April.in Qeybta 12ka April ee ka howlgasha Banaadir iyo 2da Shabeele u bataan dadka degan deegaanada laga qoray waa iska dabiici sida ay dabiici u tahay qeybta 43aad ee kismaayo xaruntoodu tahay in ay reer Jubaland u bataan ama rer KG u bataan qeybta 60aad oo ay Baydhabo taliska u tahay.

Ciidankaas  gaar ahaan Q.12 April waxay  ahaayeen kuwa u dhimanaayay ku dhaawacmaayay u dhibtoonaayay  la dagaalanka argagixisada Banadir iyo 2da shabeele iyo guud ahaan Difaaca Dalka ileen Danab iyo Gorgor dhisma ayaa ku socday inta aan ka aheyn qeyb yar oo Danab ah oo la howlgeleysay ciidamada Q.12 April.

Howlgelintii ugu horeysay ee Danab iyo Gorgor uu M/W Farmaajo howlgeliyana waxay aheyd 9 ki April 2018 Markii Baarlamaanki Qaranka lagu dumiyay oo Jawaari lagu afgambiyay hay’adi sharci dejinta oo asaaska u aheyd Dowladnimadeenana lagu baabi’yay,marki ku xigtana waxay aheyd 19 ki Febaraayo 2021 oo 2di madaxweyne ee dhisay ciidankas Hoteel ay deganaayeen lagu weeraray,sidoo kale lagu amray in ay rasaas ku furaan/huwiyaan  isla maalinkaas mudaaharaad ay hagaaminaayay Ra’salwasarihi hore Xasan Cali kheyre, Madaxwyne hore Gal-mudg CKariin Guuleed iyo Hogaamiyaha Wadajir C/raxman C/Shakuur iyadoo la rabay in muda kororsigii 2da sano ee sharci darada ahaa lagu meel mariyo.

Duqa haduu la taliyayaal leeyahay ha u sheegaan yuusan is ceebeyn oo uusan ku ololeyn nafna ka raadin ciidan sida ay ku dhismeen iyo akhyaarti dhistay la ogyahay dadkuna wax waa gartaan oo xataa Saraakiisha iyo ciidamada uu ka hor hadli doono waa ogyihiin waxa lasoo maray,waxa uu soo kordhiyay iyo waxa uu u dhibay ciidanka,waxaanaba ka baqayaa in ay qosolka isku celi waayaan marka uu hortooda ka faani doono lana yaabaan indha- cadeyskiisa oo waxay xusuusan doonaan ciidanku in markii ugu horeysay ay furimaha uga soo baxeen 2018-2019 iyagoo mushaar iska daaye gaajo iyo haraad dartii ugu jiri waayay furimah kuna qasabtay dantu in ay ku mudaaharaadaan meel xafiiska madaxweynaha u jirta 200 oo mitir sidi shacab.

W/Q: Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.