Maxaa Fahad gaarsiiyay inuu sharciga usoo laabto, maxaase ku hoos duugan dacwadiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan sano kadib dadka Soomaalida waxay arkayaan taliyihii awooda badnaa ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aaday dhanka hey’adaha garsoorka dalka.

Maxkamadda Sare ee dalka waxaa loo gudbiyey gal-dacwadeed uu wato Fahad Yaasiin, muddo shan sano iyo dhowr bilood ah waa lagu kari waayey inay halkaan soo gaaraan.

Fahad wuxuu ka dacwoonayaan kursigiisa HOP#086 oo ay joojiyeen guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT, qareen ayuu qabsaday la taliyaha amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Maxkamadda Sare ee dalka oo uu hoggaankeeda sare taabacsan yahay madaxweyne Farmaajo lagama sugayo go’aan liddi ku ah Fahad Yaasiin, balse ujeedka dacwadaan ku hoos duugan ayaa faham badan u baahan, iyadoo siyaabo kala duwan loo faaqiday.

Dhowr sharaxaad ayaa laga bixiyey dacwadaan:

1) Wadooyinkii kale oo adkaaday

Dadka aaminsan in dacwadaan si dhab ah kursi loogu raadinayo waxay aaminsan yihiin in dhammaan waddooyinkii kale ay kasoo xirmeen Fahad Yaasiin, taasina ay tahay sababta uu dacwadaan u gudbiyey.

Fahad iyo kooxdiisa waxaa in muddo ah lagu eedeenayey inay wax walba u adeegsadeen xoog iyo dhaqaale, iyagoo dhinac isaga riixay sharcigii dalka.

2) Qorshe siyaasadeed

Fahad Yaasiin oo waayahaan la aaminsan yahay in uusan shaqo badan ka qaban kursigiisa ayaa dadka ka shakisan dacwadaan waxay qabaan inuu rabo in maxkamadda Sare ay kursigiisa fasaxdo, kadibna kooxda Ra’isul Wasaare Rooble qaadacdo go’aanka maxkamadda, markaasna kadibna la aado buuq cusub oo dib usii dhigi kara geediga doorashada, maadaama haddii ay maxkamadu fasaxdo kursigaan ay dhinaca kalena diidaan go’aanka maxkamadda, waxaana xigi kara fowdo iyo buuq hor leh.

3) In lagu lumiyo dareenka 12-ka April

Dadka ka shakisan ujeedka loo gudbiyey dacwadaan waxay qaarkood sheegayaan in ujeedada noqon karto in saacadaha soo socdo dadka laga mashquuliyo howlaha la xiriira 12-ka April oo uu dul saaran yahay walaac xoog leh.

Xubnaha mucaaradka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay kor u sheegay in munaasabadda 12-ka April in arrimo kale ku hoos duugan yihiin, inkastoo uu taas beeniyey taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka.

4) In kooxda Farmaajo muujiso inay doorasho rabto

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad u xooganaa wararka la xiriira in kooxda madaxweyne Farmaajo aysan doorasho u socon.

Dadka dacwadda Fahad lafa guraya waxay leeyihiin waxay noqon kartaa farriin loo dirayo Soomaalida iyo Beesha Caalamka oo lagu muujinayo in garabka Farmaajo ay diyaar u yihiin in doorashadu si hagaagsan kusoo dhammaato, balse dhinaca kale ay yihiin cidda cuuryaamineysa geediga doorashada.

Si walbaba, haddii kooxda Fahad ujeeda kursi doon ah la leedahay dacwadaan waa astaan muujineysa hoos ku dhac ku yimid awooddii Fahad Yaasiin iyo sida uu u galaaftay dagaalkii uu la galay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dacwadda Fahad Yaasiin waxay kusoo aadeysaa, iyadoo 14-ka bishaan la sugayo in la qabto dhaarinta xildhibaanada laba Aqal, iyadoo dhinaca kale isha lagu wada hayo munaasabadda 12-ka April.