Xarunta Xalane: Suuqa ugu weyn khamriga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkaan danbe magaalada Muqdisho gaar ahaan hoteellada iyo goobaha kale ee lagu cabo shiishada kusoo kordhayay khamriga noocyadiisa kala duwan oo caadi ka noqday magaalada, islamarkaana aanan lala dhuumaneyn ganacsigiisa iyo isticmaalkiisaba.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in khamriga ugu badan ee laga isticmaalo magaalada Muqdisho uu qaab ganacsi uga yimaado xerada ciidamada Midowga Africa ee ATMIS (Ex-AMISOM) ee Xalane.

Ganacsato Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ayaa ka macaashay suuqa madow ee ay khamriga uga soo saaraan xerada Xalane, waxaana loo suuq keenaa magaalada Muqdisho oo loo qeybiyo hoteellada iyo goobo kale oo si bareer ah looga iibiyo.

Suuqaasi madow ee khamriga ayaa xerada Xalane ee howlgalka ATMIS (Ex-AMISOM) ka dhigaya suuqa ugu weyn Muqdisho ee khamriga.

Duulimaadyada u socda ATMIS iyo hay’addaha UN-ka iyo kuwa kale ee kusoo dega garoonka Aadan Cadde ayaa waxay si toos ah ku xertaan Terminalka MOVCOM oo gooni u ah UN-ka iyo ATMIS, mana la baaro xamuulka ay keenaan diyaaraddaha.

Dowladda Soomaaliya oo waajibaad uu ka saaran yahay inay la socoto waxyaabaha soo gala dalka ayaan jirin cid mas’uuliyad iska saartay iyadoo ay jirto in xitaa ganacsi ahaan ay ATMIS dalka u keento cunooyinka qaar sida hilibka Digaaga, Hilib Ari, Ukun, khudaarta noocyadooda kala duwan sida Tufaaxa, Canabka iyo cunooyin kale oo fara badan, taasoo suuq xumo u keetay ganacsatada Soomaaliyeed ee quutul yoomka raadiya.