Cabdulqaadir Cosoble oo caawa lagu doortay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa caawa ku guuleystay kursiga HOP#140 oo doorashadiisa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle.

Cosoble ayaa ka guuleystay Cabdikariin Cilmi Tifow oo kursigaas kula tartamay, wuxuuna Cabdikariin helay 22-cod oo kaliya, halka Cabdulqaadir Cosoble oo tartanka uga guuleystay uu helay 76-cod.

Ergada codeysay ayaa aheyd 98 qof, wuxuuna tartankaan ahaa mid furan, sida ay noo sheegeen xubno ku sugnaa hoolka doorashadu ka dhacday ee Jowhar.

Halkaan kursi ayaa caawa doorashadiisa lagu qabtay magaalada Jowhar oo ay weli yaallaan ugu yaraan lix kursi oo aan la dooran, kuwaas oo labo ka mid ah laga soo wareejiyey magaalada Beledweyne.

Kuraasta doorashadooda laga soo raray Beledweyne waxaa ku jira kursiga HOP135 oo ay horay ugu fadhisay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo 23-kii bishii hore Beledweyne lagu dilay.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in doorashada kuraasta ku hartay HirShabeelle lasoo gabagabeeyo, si xubnaha ku guuleystay ay uga qeyb galaan dhaarinta baarlamaanka 11-aad oo dhaceysa 14-ka bishaan, sida la qorsheeyey.