Wasiirka Gaashaandhigga oo amar siiyey ciidanka xoogga kahor 12-ka April + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ciidanka xoogga dalka uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed oo guracan, inta lagu guda jiro dabaaldegga sanad guurada 62-aad oo ku beegan Talaadada berri ee 12-ka Abriil.

Wasiirka ayaa ugu horeyn hambaliyo, salaan iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 12-ka April u diray ciidanka, saraakiisha xoogga dalka iyo qoysaskooda.

“Waxaa laga doonayaa dhammaan qeybaha CQS iyo taliyayaashooda in aysan yeelan sumad iyo ujeedooyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana foojignaadaan ku milanka siyaasadaha is diidan ee waqtiga la dhammaa doona,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga XFS.

Waxaan si gaar ah salaan ugu dirayaa halyeeyada wiilasha iyo gabdhahaba leh ee furimaha hore ku horfadhiya cadawga argagixisada ah, habeen iyo maalinna u shubaaya dhiigooda si ay u difaacaan qarannimada soomaaliyaad.

“CQS guud ahaan waa hay’ado dastuuri ah oo aan dhicin, waqti ka dhamaan, oo haysto mandate furan inta uu jiro qaran soomaaliyeed, arintaas ayaa ka dhigan in ciidamadu yihiin xudunta dowladnimada iyo aasaaska qarannimadeena,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wuxuu xasuusiyey in ciidanka xoogga in waqti dheer uu horyaallay waajib qaran oo weyn, oo ah in dalka laga ciribtiro Al-Shabaab, “waxaana rajeynayaa in mar walbo maanka lagu haayo in arrintaas ay tahay waajibka ugu weyn ee na sugaaya,” ayuu yiri.

“Waxaan halkaan si gaar ah uga mahad celinaayaa dowladaha aan saaxiibada nahay ee sida walaatinimada ah noogala shaqeeya tayeynta CXD. Waxaana leenahay mahadsanidiin. Ugu danbeyntii, waxaan u rajeynayaa dhammaan xubnaha CXDS in sanadkaan sanadkiisa uu ALLAH ku gaarsiiyo nabad, guul iyo horumar,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/T1SqPktTSwc?t=109