Jubaland oo ka digtay qorshe xasaasi ah oo Farmaajo ‘uu ka damacsan yahay’ Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Is-mari waaga doorashada ee ka taagan gobolka Gedo ayaa u muuqda mid ka fog in xal laga gaaro kadib markii Jubaland ay ku eedeysay madaxweyne Farmaajo inuu qorsheynayo inuu ciidamo ajnabi ah ku daad-gureeyo gobolka.

Abdirashid Danane oo ah la-taliyaha xiriirka dadweynaha ee madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka war-hayo qorshaha daad-gureynta ciidamo shisheeye iyo faro-gelin lagu sameynayo doorashada xildhibaanada Garbahaarey.

Waxa uu sheegay in Jubaland ay dooneyso in madaxweyne Farmaajo uu joojiyo faro-gelintaas iyo keenista ciidamada shisheeye.

“Waxaan haysanaa ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM kuwaas oo kaalin weyn ka cayaaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida. Jubaland waxay sidoo kale haysaa saraakiil amni oo ku filan caqabad amni oo kasta. Keenista ciidamo shisheeye oo dheeraad ah kuma talineyno,” ayuu yiri Danane.

Isaga oo la hadlayey SSTV, ayaa Danane wuxuu sheegay in Jubaland ay si buuxda diyaar ugu tahay inay si nabdoon u qabato doorashada 16-ka xildhibaan ee Garbahaarey. 

Digniinta Jubaland ayaa timid saddex maalmood kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegayey in kulan uu Doolow ku dhex-maray sarkaaal Ethiopian ah oo lagu magacaabo Gen Tashuma Ayelo iyo Kulane Jiis oo ah sarkaal ka trisan NISA oo wakiil ka ahaa Farmaajo. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamada Liyuu Boolis Mohamed Ahmed Haji.

Rashid Abdi, oo fallanqeeya amniga Geeska Afrika, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in sirdoonka militariga Ethiopia ay la kulmeen Kulane Jiis si ay u kariyaan qorshe “lagu arbushayo doorashooyinka, lagu diyaarinayo keenista ciidanka lagu soo tababaray Eritrea, laguna diyaariyo qorshe Farmaajo uu ku helo waddo nabdoon oo dhanka Gedo uu uga baxo.”

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale u sheegay Universal TV in kulanka Doolow uu qorshihiisa ahaa sidii ciidamo Ethiopian iyo Eritrea ah lagu keeni lahaa gobolka

“Waan ka war haynaa tallaabooyinka quusta ah ee Farmaajo uu ku boobayo 16-ka kursi ee Gedo isaga oo adeegsanayo cabsi gelin iyo maleeshiyo ajnabi ah,” ayuu yiri Waare. 

Waare ayaa sheegay in Farmaajo looga adkaanayo dagaalka Gedo ee kala dhaxeeya Axmed Madoobe, taasi oo ku qasbeysa inuu maleeshiyo shisheeye u adeegsado “inuu ku saameeyo kuna xasillooni dareeyo Jubaland.”