Caqabado culus iyo shaki hareeyey qorshaha dhaarinta xildhibaanada ee 14-ka April

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr Cisho ayaa ka dhiman waqtigii loo qorsheeyey in la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya, jadwalkaan waxaa horey usoo saaray guddiga doorashada ee FEIT.

Xildhibaanadii is-diiwaan geliyey ayaa waxaa qaar dib u ceshaday maamuladii ay ka yimaadeen, gaar ahaan kuwii ka socday Puntland iyo Jubaland, halka Koonfur Galbeed ay weli diidan tahay inay raacdo jadwalkaan oo xubnaheeda ay shahaadada qaataan.

Guddi xal doon ah oo uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tagay wada-hadallo ay la qaadanayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasi oo si weyn u diidan sida ay shaqada ku wadaan guddiga FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Tiro xildhibaano ah oo ku filan inuu baarlamaanka fadhiisto ayaa qaadatay shahaadada, laakiin waxaa hadda xoogeysatay doodda sheegeysa inaan dhaarin loo dhaqaaqi karin iyadoo uu maqan yahay maamulkii ugu kuraasta badnaa dalka.

In Koonfur Galbeed laga socdo inta taageersan waa sii yaraaneysaa hadda, muddada lagu xalin karo tabashadoodana lama yaqaano, taasoo shaki gelineysa in 14-ka bishaan la mari karo dhaarinta xildhibaanada.

Dhowr caqabadood oo aan weli natiijadooda la aqoon ayaa taagan, Koonfur Galbeed waa mid kamid ah caqabadahaa, waxayna ka tagistooda dhaawaceysaa heshiiska ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya.

In la xaliyo Koonfur Galbeed waxay ku xiran tahay sida loo maareeyo kuraasta looga dhagay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiga FEIT waxay heystaan fursad ay xalka ku caawin karaan si gunaanadka doorashada loo aado.

Khilaafka weli ka dhaxeeya guddiga doorashada FEIT waa mowduuc kale oo weli taagan, laakiin dhowrka xubnood ee hadda howsha wada in la isticmaalo ma jiraan wax diidaya.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu asbuucii dhammaaday sheegay in guddigii doorashada la burburiyey oo seddex qeyb loo kala jabiyey.

Xildhibaanada dib ugu laabtay deegaanadii laga soo doortay iyaduna waa caqabad kale. Puntland iyo Jubaland iyo badi Xamar ka saaray xildhibaanadii ay soo direen ee shahaadada qaatay.

Dib u celintooda oo ay dan gaar ah ku dheehan tahay ayaa dhinaca kale muujineysa farriin ah inaysan deg deg ku dhici karin dhaarinta xildhibaanada.

Ogaal la’aanta ku saabsan waxa kooxda madaxweyne Farmaajo qorsheenayaan 12-ka Bishan ayaa iyaduna culeys kale ah. 12-ka April oo ah maalinta ciidanka xoogga dalka waxaa jira isu soo bixin ciidan iyo dhoolatus, waxaa kaloo xooggan dareenka ah inay wax kale ka fakarayaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo hadda kor loo sheegay walaaca laga qabo qorshooyinka 12-ka April, ayna muuqato in loo diyaar garoobay nooc walba oo ay tallaabadaasi noqoto ayna macquul tahay inay qorshahooda wax ka badalaan, haddana hubanti la’aanta maalintaasi la xiriirta ayaa iyaduna culeyskeeda leh.

Haddii ay kooxda madaxweyne Farmaajo magaalada xirto dhowr cisho sida laga cabsida qabo waa adkaan kartaa in dhaarinta xilligeeda ku dhacdo.

Waxaa kaloo u baahan in waqti la siiyo wada-hadallada ay Qoor Qoor iyo xildhibaanada la socdo u tageen magaalada Baydhaba, taasi oo ay rabaan inay Laftagareen kusoo qanciyaan inuu xildhibaanada soo fasaxo.

Iyadoo ay dhammaan caqabadahaasi jiraan ayaa dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiilada Beesdha Caalamka waxay xoojinayaan in 14-ka Bishaan la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal inta ka horeysana la xaliyo cabaqadaha taagan.

Xubnaha Ra’iisul Wasaaraha ku dhow dhow waxay ku adkeysanayaan inaysan dhaarinta dib uga dhici karin 14-ka bishan oo ay ku arkaan guul siyaasadeed, laakiin caqabadaha aan kor ku sheegnay waa xaqiiqooyin bannaanka yaala oo ay adag tahay sida looga dul boodo.