Jihadiiste British oo u goodiyey boqorada oo la..

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Drones oo ay leeyihiin Ciiddanka Cirka ee Boqortooyadda Britain (RAF drone) ayaa la sheegay inay duqeyn ku dishay Jihadiste British oo la oran jirey Reyaad Khan, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qorshe lagu weerari lahaa Boqoradda dalkaasi, Queen Elizabeth II iyo goobo muhiim oo ku yaalla Bartamaha London.

Sirdoonka dalkaasi ayaa rumeysan inuu Jihadiste Reyaad Khan qorsheynayey in qaraxaasi la fuliyo bishii August 15-dii, balse laga hortagay.

Telefishinka ITV News ayaa baahiyey inay Saraakiisha Ciiddanka Cirka RAF fuliyeen hawlgalo lagu ugaarsaday Labo Muwaadin British ku sugnaa gudaha dalka Syria, oo lagu dilay Reyaad Khan iyo Ruhul Amino oo Scottish ah.

Reyaad Khaan waxaa la sheegay in la dilay bishii August 21-dii, xilli uu gaari kula safrayey Jihadiste kale oo ka tirsan Daacish meel ku dhow magaalladda Raqa.

Reyaad Khaan oo ahaa Arday deganaa magaaladda Cardif waxa uu dalka Syria u soo ambabaxay bishii November ee sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka soo muuqday Filim ay Daacish soo bandhigtay oo loogu magic daray; Nolol ma jiri karto Jihaad la’aantiisa ‘There is no life without jihad’.

Ra’isul-wasaare David Cameron ayaa xaqiijiyey in saddex Jihadiste British lagu dilay gudaha dalka Syria, wuxuuna xusay in Jihadiste Junaid Hussain la dilay bishii August 24-dii.

David Cameron isagoo ka hadlayey Aqalka The House of Commons ayuu sheegay inaysan jirin xal kale ilaa laga takhaluso weeraradada ay Jihadistayaasha Britishka maleegayeen.

Waa duqeyntii ugu horreeysay ee ay Dowladda Britain ku dilaan Muwaadiniin British oo ku sugan dibedda dalka Britain.

ISHA ITV News

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com