Xaaladda Caabudwaaq oo kacsan, wasiir kale oo tagay magaalada iyo ciidamo is horfadhiya

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Waxaa saaka xaalad degenaan ah laga dareemayaa xaalada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay dagaal uu ku dhexmaray ciidamada maamulka Ahlu sunna iyo Galmudug.

Inkastoo xaalada ay ka degen tahay sidii shalay, haddana dad deegaanka ah ayaa sheegaya in saaka la maqlayo dhawaqa rasaas goosgoos ah, dadka ay cabsi xoogan dareemayaan, taasi oo ah iney dagaalo kale dhacaan.

Ciidamada maamulka Galmudug iyo ciidamada Ahlu sunna ayaa isku muuqda, waxaana mararka  qaar dhacaya rasaas ay iskugu goodinayaan labada dhinac.

Waxaa xaalada magaalada ay kasii dartay markii magaalada Caabudwaaq uu tagay wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug oo kasoo jeeda magaalada, taasi oo keentay iney difaacyo cusub kala galaan labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay iney ka barakacaan xaafadaha ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulka Ahlu sunna iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Xiisada ka taagan magaalada Caabudwaaq ayaa waxaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto, waxaana ciidamada Ahlu sunna dhankooda ay helayaan gurmad kaga imaanaya Dhuusomareeb iyo Guriceel halka Galmudug uu gurmad kaga imaanayo magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com